Madaxii maaliyada Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Galgaduud

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay qaabka uu u dileen sarkaal sare oo ka tirsan qeybta Maaliyada kooxda Al-Shabaab kaasoo lagu dilay gobolka Galgaduud.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Mahad Cagaduub iyo laba la socotay ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Gorgor ee ku sugan degmada Galcad, iyadoo laga soo qabtay Deegaanka Towfiiq oo 15 KM dhanka Waqooyi kaga Beegan Galcad.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerar arbushaad ah ay Shabaab kusoo qaadeen ciidanka ninkan hayay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday, Mahad Cagaduub ayaa intii dagaalku socday isku dayay inuu baxsado, lakiin markii uu ugu yaraan 3km ordayay ayuu wadnaha istaagay, maadaama xawaare sare uu ku socday dhul wada oodo iyo qodxo ahna uu dhex jeexay.

Marxuumka oo ahaa madaxii sakawaadka Shabaab ee deegaanada Meexaan, towfiiq, Cali afrax, bud bud iyo Ceel Raydab ayay dowladdu soo bandhigtay sawiradiisa, isagoo dhaawacyo u badan kuwo uu ka qaaday Oodihii uu dhex jeexay laga dheehanayay jirkiisa, haba ugu badnaadaane cagihiisa.

Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howl-galada ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano ay sanado badan gacanta ku haysay kooxda.