Madaxii Kooxda Qaaqlayaasha Cawil Daahir Salaad oo loo Magacaabaayo Wasiirka Warfaafinta!!

Reading Time: < 1 minute

Shaxda Golaha Wasiirada ee uu R/wasaare xassan Cali Kheeyre diyaarsaday ayaa waxaa kasoo dhex-muuqday Madaxii Kooxda Qaaqlayaasha Cawil daahir salaad kaasi oo la filaayo in loo magacaabo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Cawil Daahir Salaad ayaa waxaa uu lacago aad u fara-badan ka sameeyay Madaxweynayaashii Hore Sida Shiikh Shariif iyo Xassan Shiikh Maxamuud kuwaasi oo uu mararka qaar u ahaa Micraphone hase’yeeshee waxaa uu si caadi ah ugu xuubsiibtay Kooxda Qiyaano qaran Kolkii la Magacaabay R/wasaare Xassan Cali Kheeyre.

Waxuu Madax Qarsoon ka ahaa koox qaaqlayaal ah oo  Kheeyre iyo Farmaajo  u qaabilsanaa sheegista beenta iyo Boran-bagaandada,sidoo kale Maamulka Hore Ee Taabid waxaa uu ka dhacay lacag aad u fara-badan waxuuna gatay dhowr boos.

Sidoo kale Cawail qaaqle waxaa lagu xasuustaa Dhac Bareer ah oo u geeystay dad shacab ah oo dhulkoodii oo ku yiil dharkeeynleey uu ka dhacay asigoo kaashanaayay Gudoomiyahii Hore ee Gobolka Banaadir Taabid cabdi Maxamed.

Waxaana shaki ku jirin un Cawil daahir salaad oo kala geeyn doono Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare kheeye hadii uu si sax ah ugasoo dhex-muuqdo Golaha Wasiiradda Maadaama la ogsoon yahay in uu yahay shaqsi ku dheereeya,abuurka Qalalaasaha.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!