Madaxii Gudiga Xulista Gudoomiyaha Bangiga Dhexe oo iska fogeeyay go’aankii Kheyre

Reading Time: < 1 minute

Dr. Cali Cise Cabdi oo ka mid ahaa gudigii loo xilsaaray in ay imtixaan ka qaadaan dhamaan dadkii araajida u soo qortay jagada Gudoomiyaha Bandiga Dhexe ayaa iska fogeeyay go’aankii uu RW Kheyre ku soo xushay shaqsi saaxiib la ah islamarkaana  ay dano gaar ah kala dhaxeeyaan.

Dr. Cali Cise ayaa sheegay in uusan la socon go’aanka lagu magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Dr. Cali ayaa yiri ” Hoowshaan waxa lagu soo jiray mudo kor u dhaafeysa  Sideed bilood, waxaanu galinay waqti iyo juhdi badan in aanu Bangiga Dhexe ee Soomaaliya u helno qof aqoon u leh oo hogaamin kara Bangiga”

Dr. Cali ayaa ku daray ” hadiiba Xassan Kheyre ogaa cida uu rabo in uu  u dhiibanayo Bangiga ma aysan ku haboonaynin in uu anaga oo dhan waqti naga lumiyo isla markaana 140 oo Soomaali ah la mariyo imtixaan iyo baaris, talabaadan waxa ay keeni kartaa in dalka dib ugu noqdo meel qatar ah”.

Xassan Kheyre ayaa shalay waxa uu  u magacaabay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe  nin aan waligii Bangi ka soo shaqeeynin, shaqadii ugu dhawaa ee uu ka soo shaqeeyay waxa ay ahayd Xawaalada Dahabshiil.

Madaxweynhii dalka  oo ay  mas’uuliyadiisu ahayd ilaalinta sharciga waxa uu noqday howlgab halka baarlamaankii Soomaaliya isna lacag lagu iibsaday.