Madaxii Canshuuraha Qaadka Cabdmalik Yusuf oo xabsiga la dhigay

Reading Time: < 1 minute

Wararka aan goor dhow ka helnay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in saldhigga Ciidamada Booliska ee Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde lagu xiray Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Cabdi Maalik oo ah Milkiilaha Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho iyo xubno kale.

Mas’uuliyiinta la xiray ayaa lagu soo eedeeyey musuq maasuq ku aadan inay lunsadeen lacagtii Canshuurta qaadka Garoonka Muqdisho sida ay MOL ogaatay.

Masuuliyiinta xabsiga loo taxaabay aya waxa ay kala yihiin:

  1. Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdimaalik Yusuf
  2. Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde, Cabdiweli
  3. Farxaan Cabdi oo qaabilsana tirinta jawaanada Qaadka.

Waxaa hadda gaaray Garoonka Aadan Wasiirka Maaliyadda Beyle iyo ku xigeenkiisa Qaloocow kuwaas oo halkaas u tagay inay ogaadaan sababta ay xubnahaan u xiran yihiin.

Sidoo kale Qaadkii imaan jiray gudaha Muqdisho ayaa saacado badan ku xayirnaa Garoonka Muqdisho, waxaana lasoo fasaxay xilli dambe oo galabta ah.