Madaxda Xisbiyada oo walaac xoogan ka muujiyay xaalada amni iyo gadoodka Ciidanka!!

Reading Time: 2 minutes

Kadib shir deg deg ah oo ay yeesheen Xisbiyada siyaasadeed ee kala ah HIMILO QARAN, Ilays, UPD iyo Wadajir ayaa waxaa ay si ugu kaga hadleen xaalada amni ee kasii dareysa ee dalka xilligaan ku sugan yahay iyo ciidamada kasoo baxay furumaha dagaalka.

War-Saxaafadeed ay siwadjir ah u soo saareen ayaa waxaa ay walaac uga muujiyeen xaalada amniga dalka oo ay sheegeen in uu noqday mid xumaaday,iyaga oo Xukuumadda ku eedeeyey in aysan  la imaan qorsho amni oo degsan.

Sidoo kale waxaa ay xisbiyada sheegeen in xilligaan aysan wadashaqeyn ka dhaxeyn Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM,isla markaana wax dagaal ah ku qaadin Ururka Al-Shabaab labadii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa kaloo ay Xisbiyada War-saxaafadeedkoda kaga hadleen ciidamadii soo baneeyay furumaha dagaalka ee ka cabanayay mushaar la’aanta waxana ay sheegen in ciidamada ay mudan yihiin xushmad iyo inay helaan xaquuqdooda.

Hayeeshee ay sheegeen in sababata ciidamada uga soo baxeen furumaha dagaalka ay qeyb ka tahay maamul-xumo ka jirta habka diiwaangelinta Ciidamada, kadib baaritaano dheer ah oo ay ku sameeyeen, iyaga oo Madaxda Dowladda ugu baaqay qodobadaan.

1: In marka hore Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dowladdu siiso mushaarkooda si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

2: in Hanaanka diiwaangelinta ay noqoto mid huufan, cadaalad ah oo mudnaanta siinaya ciidamada ku jira Shaqada, isla markaana loogu tago Goobaha ay ku sugan yihiin.

3: In madaxda iyo mas’uuliyiinta Qaranka ciidamada ka ilaaliyaan hadalada aan ku habooneyn ee dhaawici kara muraalkooda.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed ay soo saareen Xisbiyada Siyaadadeed ee ka jira dalka.