Khilaaf xooggan ayaa ka dhex taagan wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Rashiid Maxamuud Yuusuf iyo ku xigeenkiisa, Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud. Xogo madax-bannaan ayaa xaqiijinaya in khilaafka labada mas’uul uu ka bilowday doonyo kalluumeysi oo loogu deeqay degaanno ka tirsan xeebaha Puntland.
Xogaha ayaa sheegaya in doonyihii la bixiyay qaarkood ay dib u iibsadeen dadkii lagu caawiyay, kadibna warkaas la gaarsiiyay madaxda wasaaradda. Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka ayaa kadib isku khilaafay sida loo wajahayo arrintaas, waxaana mid kasta qaaday tallaaba isaga u gaar ah, sida ay xoguhu tilmaamayaan.