Madaxda Soomaalida oo dhagaha ka fureysatay baaqii Larry Andre! Maxa talo u ah!

Reading Time: 2 minutes

Madaxda Soomaalida ayaa dhagaha ka fureysatay baaqyadii isadaba jooga ahaa ee ka imaanayay safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre! Waxaana muuqata in safiirka iyo safaradaha kale ay quus ka taagan yihiin siyaasiyiinta Soomaalida.

Larry Andre, danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la dadejiyo Doorashada kuraasta ka dhiman Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee ku harsan Dowlad-Goboleedyada Hirshabeelle & Jubbaland.

Safiirka oo cambaareeyay weerarradii toddobaadkii hore Al-Shabaab ay ka gaysteen magaalooyinka Muqdishu iyo Beledweyne, kuwaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof ayaa sheegay in ujeeddada weerradan ay ahaayeen in ay Soomaaliya kahor istaagaan dib u soo kabashada iyo doorashada.

Larry, ayaa bogaadiyay jadwalka dhaarinta ee uu soosaaray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT ee 14ka April 2022 balse waqtigaas kahor ayuu soo jeediyay in la dhammeystiro Kuraasta dhiman.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadan Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay Xiliga la dhaarinayo Xildhibaannada iyo Senatarada Aqalka Sare oo ah 14ka April 2022, taasi kama dhigna in dhammaan la dhammeystiri doono kuraasta balse way dhici kartaa, haddii xitaa la gaaro waqtiga dhaarinta waxaa doorashada lasii wadi karaa kaddib marka la dhaariyo Xildhibaannada sida dhacday 2016kii” ayuu yiri Danjire Larry Andre.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in Washington ay taageereyso cid weliba oo daneyneysa xasiloonida, Dib u dhiska, ka shaqeynta nabadda iyo Dib usoo laabashada awoodda Dalka.

“Waxa aan taageereynaa kuwa dooranaya in la dhiso Soomaaliya oo Amni ah, Barwaaqo ah nabadna ah waa taas iskaashiga aan la leynahay Mas’uuliyiinta Soomaalida, Dadka Soomaaliyeed & Bulshada Rayidka ku wajahan yahay, Danta Dadka Mareykanka ayaa ah in ay arkaan Soomaaliya oo guuleysata” ayuu yiri Danjire Larry Andre oo la hadlay VOA Somali.

26 Xildhibaan ayaa ka dhiman Golaha Shacabka oo guud ahaan ka kooban 275 Mudane, 16 kamid ah waa kuraasta Garbahaarey halka 10 kale Hir-Shabeelle ku harsan yihiin oo la filayo in dhawaan lasoo gabagabeeyo.