Madaxda Qoomiyadda Oromada oo sheegtay in ay difaacayaan MW Farmaajo (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Jawar Maxamed oo ka mida hogaanka Qoomiyadda Oromoda isla markaana xiriir wada shaqayn kala dhaxeeyso Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmad ayaa barahiisa bulshada soo dhigay qoraal uu ku difaacayo Madaxweyne Farmaajo. Jawar Maxamed ayaa sheegay waxa lagu hasyto MW Farmaajo in ay tahay been abuur ay ka soo shaqeeyeen qoomiyada Tigreeyada ma waxa uu ugu yeeray  Weyena. Oromada ayaa waxaa dagaal kala dhaxeeyaa qoomiyada Tigreeda waxaana ay u muuqataa in Soomaaliya noqotay goob labada qoomiyadood ku dagaalaan.

Dhanka kale waxaa ka socda xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya  qorshe la doonayo in lagu badbaadiyo Madaxweyne Farmaajo. Axmed Shide oo ka mida golaha wasiiradda ee Abiy Axmad ayaa sheegay in walwal ay ku hayso dowlada Itoobiya xaalada uu ku jiro Madaxweyne Farmaajo. Waxaana uu u sheegay saaxibadiisa in labada mas’uul ay qadka taleelfanka kuwada hadleen.