Madaxda Puntland oo ka shiray qabashada doorashada Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay  Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeen.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo bilaabi lahaa qabashada doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa madaxweyne ku xigeenka iyo guddoonka Baarlamaanka u sheegay in Puntland ay soo gaartay warqad ugu timid xubnaha beesha caalamka, taasi oo ku aadan in deg deg loo qabto doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!