Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Kulamo Qaasa Xalay Ku Yeeshay Magaalada Kismaayo

Reading Time: < 1 minute

Waxaa xalay Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay kulamo gooni gooni ah oo ay lahaayeen Madaxda Dowlad Goboleedayda ee ku sugan Magalada Kismaayo.

Kulamada ayaa ahaa mid looga tashanayay shirka madaxda Iskaashiga dowlad Goboleedyada ee Maanta la filayo in uu ka furmo Magalada Kismaayo iyo qodobo looga hadli doono.

Madaxweynayaaasha Jubbaland, Puntland,Galmudug, Hir-Shabeelle iyo koonfur Galbeed ayaa kulamadaas yeeshay,waxayna diirasada ku saareen waxa laga yeelayo khilaafka qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada kala dhexeeya dowladda Federaalka Soomaliya.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Gurtida Martida ee Magalada kismaayo uu ka furmo shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo uu sidoo kale ka qeyb geli doono Wakiilka Qaramada midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo xubno kale.