Madaxda M/goboleedyada iyo Farmaajo oo la filaayo in ay ku shiraan Garoowe

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, waxaa maanta lagu waddaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo xalin lahaa tabashadda ay qabaan Madaxda maamul goboleedyadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kaga faaideysanaya Madax ku sugan Garowe in ay xaliyaan Khilaafkooda, Maadaama Muddo uu soo taagnaa Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda.

Madaxda ku sugan Garowe ayaa sidoo kale la kulmi doona madax Puntland,  odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.