Madaxda hay’adaha amniga oo Baarlabaanka looga yeeray si wax looga weydiiyo amniga (Akhriso Warqadda)

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha BJFS Maxamed Mursal aya ugu danbeyntii aqbalay in hay’adaha amniga ay hor yimaadaan Baarlabaanka si wax looga weydiiyo amniga faraha ka baxay ee dalka.

Warqadda ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha aya lagu faray madaxda hay’adaha amniga in ay Baarlabaanka hor yimaadaan maalinta Sabtida ee taariikhda ay tahay bisha April 6, 2019 saacadda marka ay tahay 10:00 Subaxnimo.

Warqadda Guddoomiyaha ayaa u qorneyd sidan hoose

[su_highlight background=”#fbff99″]Si waa faqaan Qof. 69aad(2) Xarafkiisa(c) ee dastuurka JFS iyo Qod.53aad, Farqadiisa(1) ee xeer hoosaadka Golaha shacabka JFS waxaa lafarayaa sida hore ugu soo go’aayimeen Gudiga joogtada Golaha shacabka JFS Taarikhda marka ee aheed Isniinta, 1/April/2019 in ee horyimaadan Hay’adaha Aminga inoogu xilsaaran oo ey ugu horeeyaaan, Wasaarada Gaashaandhiga iyo wasaarada amniga iyo talisyada hoosyimadaada iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir. Si wax looga weydiiyo Amniga Sii xumaanaya iyo isusocdka bulshadeena oo dhiban. Looguna xisaabtamo howlihii inoogu xilsaarnaayeen. [/su_highlight]