Madaxda Gal-mudug oo si weeyn uga feejigan Dabinka Villa Soomaaliya (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka xukumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye  ayaa laba maalin ka hor gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Gal-mudug halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Shaakir.

Ujeedka Safarkiisa ayaa waxaa uu ahaa in uu soo qanciyo Madaxweyne Xaaf hase’yeeshee waa uu kusoo guul-dareeystay sida uu Warbaahinta u sheegay C/qadar guuleed oo ka mid waxgaradka Maamulka Galmudug.

Guuleed waxaa uu sheegay in ay si aad ah uga feejigan tahay Gal-mudug jalaafooyinka lagasoo maleegaayo Villa Soomaaliya,waxaana uu ug baaqay in aysan isku daalin in ay dumiyaan galmudug.

Hadafka ugu weeyn ee dowlada ayaa waxaa uu ku tilmaamay in ay tahay doorasho ka dhacdo Gal-mudug oo ay ku geeystaan shaqsi u nacamleeyo taasina dhici meeyso ayuu yiri.

Waxaa ceeb ku ah Xukumadda in ay maalin walbo ka shaqeeyso duminta Maamul dhisan,iyadoo kari karto in ay sii xoojiso