Sida MOL ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, waxaa si dardar ah ku socda qorsho la doonayo in madaxda dowlada federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyadu la isugu geyn lahaa dalka Jabuuri si xal looga gaaro xaalada siyaasadeed ee cakiran eek a jirta dalka Soomaaliya.
Qorshaan oo in mudo ah laga soo shaqeeynayay ayaa waxa hogaanka u hayo qaar kamida wadamada taageera Soomaaliya, kuwaas oo u arka sida kaliya ee xal loogu heli karo arimaha Soomaliya ay tahay in si si ka fool-ka-fool ah la isugu keena madaxada dowlad goboleedyada. Iyo dowlada dhexe.
Dhowr mar oo la qaban lahaa kulankaas ayaa dib u dhacay sababo jira awgood oo ay ku jiraan cudurka Covid19.
Dhanka kale, Farmaajo oo ka biyo diidayo in uu ka qayb-galo shirkaas ayaa waxa uu asbuucaan isugu yeeray magalaada Muqadisho madaxda Dowlad Goboleedyada isaga ka amar qaata si u muujiyo in uu xiriir la leeyahay dowlad Goboleedyada, isla markaana laga maarmay shirkaas.