Madaxda DFS & Qaar kamida mucaardka oo caruurtooda kula ciidayo dalka dibadiisa

Reading Time: < 1 minute

Waxaa sadaxdii maalin ee la soo dhaafay ka dhoofayay magaalada Muqdisho iyo deegaano ka tirsan dowlad goboleedyadda; madaxda dowlada federaalka, gudoonka baarlamaanka federaalka, wasiiro, xildhibaano, madaxda dowlad goboleedyadda iyo qaar kamida Midowga Musharaxiinta kuwaas oo dhamaantood  u safray dalalka ay caruurtooda ku nool yihiin.

Waxa dalka gudihiisa looga tagay shacabka ay madaxda u ahaayeen, kuwaas oo ay isugu daarsantay baahi, Colaad iyo Daadada ama fatahaad wabi.

Waxaa iska cad in dalkaan dadka hogaanka u haya ay yihiin mas’uuliyiin caruurtooda dibada u  dirsaday dana aan ka lahayn nolosha iyo jiritaanka shacabka Soomaaliyeed.