Waxaa maalinta Jimacaha ah shir hordhac ah ku yeelanayo magaaladda Neyroobi ee dalka Kenya Madaxda Dowlad Goboleedyadda. Shirkaan oo aan horay loo shaacin ayaa ku soo aaday xili xaalada Siyaasadeed ee Soomaliya ay ka sii dareyso. Waxaa magaalada Neyroobi ku sugan Axmed Madoobe iyo Sharif Xassan halka Axmed Ducaale Xeef iyi Cabdiw Cali Gaas la filayo in ay tagaan halkaas labada maalin ee soo socota. Dhanka kale lama oga in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu shirkaas ka soo qayb gali doono. Ilo ku dhaw Madaxweyne Waare aya u sheegay MOL in MW Waare uu khadka teleefanka uga qayb-gali doono shirka hadii ay u suuragali waydo in uu yimaado shirka.
10 bisha Obtobar ayaa lagu balansan yahay in shirkii afaraad ee Dowlada Goboleedyadda uu ka dhaco magaalada Garowe.
Inta ay madaxda ku sugan tahay Magaaladda Neyroobi waxa ay sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan qaar ka mida mucaadka dowladda oo ku sii qulqulaya magaalada Neyroobi. Ra’iisal Wasaarihii hore mudane Cumar Cabdirashiid aya dhankiisa olole ka dhan ah dowladda ka wada magaalada Neyroobi. Waxaa muuqata in dowladda Kenya ay gacmaha u furtay mucaraadka Dowlada Farmaajo. Asbuucii hore dabayaaqadiisii ayaa ay ahayd markii Gudoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Mudane Adan Barre Ducaale uu iska fogeeyay xirirka uu la leeyahay Dowladda Farmaajo kuna tilmaamay in ay ceeb u soo hooysaty shacabka Somaliyeed. Dhanka kale Madaxa mucaraadka dalka Kenya Mudane Raila Odinga hadana saaxib hoose la noqwday Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagau wadaa in uu dhaawaan safar shaqo ah ku tago Deegaanka Somaliand.