Qaar ka mida Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa dhagaha ka fureeystay codsi uga yimid Madxaweyne Farmaajo kaas oo ahaa in ay ka soo qaybgalaan kulan ka furmayo magalada Muqadisho maalinta Bisha Abriil 19 keeda.
Kulanka oo markii hore la iclaamiyay in uu furmayo 17ka bishaan ayaa labo cesho dib loo dhigay. Madaxdii shirka ka qaybgali lahayd ayaa waxa ay ku soo qulqulayaan magaalada Nairobi halkaas oo shir u gaar ah iyo mid ay kula kulmayaan beesha caalamku uga furmo doono halkaas.
Ma aha markii ugu horeeysay oo alabaaba laga soo xirtay Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaarihiisa oo horay looga bartay been iyo balan ka bax. Wali lama oga in madaxda dowlad Goboleedyadu tagi doonaan magalaada Muqdisho iyo in kale marka uu dhamaado kulamadooda magalaada Nairobi.
Inta ay madaxdu joogaan Nairobi ayaa ay kulamo kala duwan kula yeelan doonaan madaxda dowlada Kenya, iyo qaar ka mida beesha caalamka.
Qaar ka mida Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa ah kuwa aan ka madax banaaynin hogaanka Farmaajo. Dowlada waxba kuma heystaan, mana laha awood ama dareen ay wax kula qaybsadaan dowlad goboleedyada kale. Waa Koonfur Galbeed iyo Hiirshabeelle.