Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Intooda Badan Gaaray Magaalada Kismaayo

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland waxaa maanta gaaray inta badan Madaxda maamul goboleedyadda, kuwaasoo ka qeyb gali doona Shirka maalinta Berri ah ka furmi doona Magaalada Kismaayo.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Puntland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

Soo dhaweynta Madaxda waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweyne ku xigeenadiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shirka Golaha Iskaashiga diiradda lagu saari doono, Awood qeybsiga Kheyraadka, dib u eegista dastuurka iyo doorashadda 2020-ka.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirkaan uu socon doono Saddex maalin.