Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo sheegeey in ay la xaajoonayaan oo kali ah MW Xaaf

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo ay isa soo tareyso xaalad lagu doonayo in lagu cinqilaabo Madaxweyne Axmad Ducaale Xaaf  ayaa waxaa saakay qadka taleefanka kuwada hadlay Madaxweyne Xaaf iyo qaar ka mida Madaxda Dowlad Goboleedyadda, kuwaas oo u muujiyay madaxweyne Xaaf kalsooni iyo taageero buuxdo.

Dhanka kale madaxda Dowlad goboleedyada ayaa dhankooda ku wargaliyay beesha caalamka  xaalada cakiran ee ka jirta Dhusamareeb isla markaana sheegay in  dhibka ka yimaado degaankaas ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto dowlada Fedaraalka.

Waxaa muuqata in hogaanka AL Sunna Wajameeca ay sameeynayaa qalad siyaasadeed oo keeni doono in ay waayaan awooda siyaasadeed ee ganacta ugu jirta waqtigaan xaadirka ah. Ka guuritaanka Xaaf uu ka guuro Dhuusamreeb waxa ay soo dadajinaysaa siyaasad keeni doonto in Macalin Maxamuud iyo xirtiisa ay noqdaan koox diimeed ku soo urura magaalada Dhuusamareeb isla markaan ay lumiyaan awoodooda siyaasadeed ee ay hada kula gorgortamayaan Dowlada Fedaraalka.

Dhanka kale, Farmaajo oo og dhibka ka imaankaro guuritaanka Xaaf uu ka guuro Dhuusamareeb ayaa  dowlada Fedaraalka  waxa ay isku dayaysaa in si kastaa oo lagu qancin karo Xaaf in uusan ka guurin magaalada Dhuusamareeb. Xildhibaan Ubax Tahliil ayaa ka mida dadka loo diray in ay ku qanciyaan  Xaafuu in  ku nagaado Dhuusamareeb. Xeef ayaa ay gacanta ugu jirtaa aqoonsiga Galmudug deegaanka uu uu u guuro  ayaana aqoonsiga Galmudug la aadayaa!