Madaxda Dowlad Goboleedyada oo si wadajir ah u diyaariyay qoraal ku wajahan beesha caalamka (Xog)

Reading Time: 2 minutes

Madaxda Dowlad Goboleedyadda ayaa waxa ay howlgaliyeen qubaro soo diryaariso qaabka ay u arkaan in looga bixi karo xaalada cakiran ee ka jirta dalka Soomaaliya. Qoraalkaan oo ah kii ugu horeeyay oo ay qoraan (Position Paper) madaxada Dowlad Goboleedyada ayaa mid ay ka muuqato bislaasho siyaasadeed iyo aragti fog.

Sidoo kale qorida qoraalka noocaan ah  ayaa u saamaxaya madaxda dowlad goboleedyadda in ay aragtidooda oo midaysan gudbin karaan hadii xataa ay kala maqan yihiin ama ayan u suuraga galin in ay hal meel isugu yimaadaan daruufo jiro awgood.

Qorida qoraalkan oo   aragtiisa ku kooban tahay madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa loogu tagalay in uu u fududeeyo beesha caalamka gaar ahaan wakiilka cusub ee Xog’hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan in uu qaado tilaabo sahalayso in xal deg-deg ah loogu helo qilaafka u dhaxeeya dowlada Fedaraalka iyo dowlad goboleedyadda.

Dowlada Puntland ayaa horay u soo saartay qoraal ay ku muujinayso dareenka ay qabto wada-shaqaynta Dowlada Fedaraalka isla markaana ay xiriirka wada shaqo ugu jartay Dowlada Fedaraalka. Qoraalkaan cusub waxa uu kaga duwanaan doonaan kii Puntland horay u soo saartay, kani waxa uu soo jeedinayaa talooyin iyo qaabkii talooyinkaas loo taabagalin lahaa.

Waxaan shaki ku jirin in dowlada Fedaraalka ayan jeclaysan doonin tala-bixinta madaxda dowlad goboleedka. MW Farmaajo ayaa aragtiisa ku soo koobay in la kala diro dowlad gobolleedyada ama uu isagu keensado qaar ka amar qaata. Laakiin qaabka cusub ay la yimaadeen madaxda dowlad goboleedyada ayaa wax badan ka badali doonto aragtida beesha caalamka iyo qaabka ay ula xaajoo doonto dowlada Fedaraalka.

Xaalada la soo daristay Madaxweyne Farmaajo ayaa u baahan go’aan geesinimo leh oo keeni karo in xalka ka yimaado dowlada Fedaraalka taas oo ah in Farmaajo isbadal deg deg ah ku sameeyo xukamadiisa taas oo ka hordhacayso talooyinka dowlad goboleedyada guushana uu isaga yeelan doono. Hadii taa dhici waydo waxaan shaki ku jirin in Farmaajo uu si qasab ah ku aqbali doono talooyinka iyo ga’aanda ka yimaada dowlad gobolleedyadda.