Iyada oo ay wali taagan tahay qalalaasihii siyaasadeed ee ka dhex aloosnaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadda, ayaa waxaad moodaa in dulqaadkii beesha caalamka uu sii dhamaanayo. Madaxda Dowlad Goboleedyadda oo shirar wadatashi oo gooni gooni ah la yeeshay dhamaan madaxda wakiilada wadamada caawiya Somalia (head of missions) ayaa ku qanciyay in hogaanka Muqadishu, gaar ahaan xukuumadda uu hogaamiye RW Kheyre ayan diyaar u ahayn in xal loo helo khilaafka u dhaxeeya labadda dhinac.
Beesha Caalamka oo wal-wal ka muujinayso in kooxda Al Shabab dib ugu soo labato degaano horay looga xureeyay, gaar ahaan deeganada Dowlad Goboleedyadda ayaa qaatay go’aanka ah in sida kaliya ee looga adkaan karo kooxaha argagaxisada ah ay tahay in si buuxda loo taageero Dowlad Goboleedyadda. Madaaama ay Dowladda Dhexe ku fashilantay amniga magaalada Muqadishu iyo nawaaxigeeda oo beesha caalamka qarash badan uga baxay, ayaa beesha caalamka g’aansatay in si toos ah loo caawiye Dowlad Goboleedyadda. Waxaana hadda ka socda magaalada Neyroobi wadahadal looga hadlayo qaabkii iyo wadadii loo marin lahaa dhaqalaaha tooska ah.
Dhanka kale Wasiirka Maaliyada ee Dowladda Federaalka ayaa codsi u diray Wasiiradda Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada isaga oo ugu baaqay in ay soo doontaan lacagtii bilaha ahaa ee Dowladda Federalak bixin jirtay. Laakiin waxaa codsigiisa ka soo jawaabay oo kaliya Wasaaradda Maaliyadda ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele.