Madaxda DG oo ka si buxda uga qaybgalaya xaflada Sanadguurada 4aad ee Laftagareen

Reading Time: < 1 minute

Waxaa asbuuca soo socda ka dhacaya magalaada Baydhabo xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu xusayo sanad-guuradii afaraad ee doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasis Laftagreen.

Xaflad ayaa la filayaa inay noqoto mid ka duwan xafladihii ka horeeyay taas oo ujeedadeedu tahay in uu Laftagareen dhoolatus ku muujiyo inuu sii hayn-doono hogaanka Koonfur Galbeed labada sano ee soo socota.

Xaflada waxaa ka si buuxda uga soo qayb-gali doona dhamaan madaxda dowlad goboleedyada dalka. Waxaa sidoo kale lagu marti qaaday Ra’iisal Wasaare Xamsa iyo qaar kamida wasiirada ka tirsan golaha wasiirada ee dowlada Feederaalka.

Talabadaan ayaa waxa ay dhaawac weyn ku tahay mucaraadka Madaxweyne Laftagreen kuwaas oo doonayo inay doorasho ka dhacdo Baydhabo dabayaaqada bishaan Disember.