Amaan xumida ku soo kordhaysa magalaada Muqdisho maalinba maalinta ka danbeeysa iyo hogaanka Farmaajo oo gabaabsi ah ayaa keentay in AMISOM/beesha Caaalamka ay qaataan go’aan ah loogu diidayo in madaxda dowlada Federaalka inay ciidan la galaan Garoonka Aadan Cade iyo Xarunta Xalane.
Hadaba maalmihii la soo dhaafay amar ka soo baxay Taliska ciidamada AMISOM ayaa lagu mamnuucay in wax hub ah lala galo xerada Xalane, halkaas oo inta badan ay masuuliyiinta qaar la geli jireen ilaaladooda. Tallaabadaan ayaa ka dhigan in aagaas uu noqday ‘qad cagaaran’ taas oo muujineysa in diblomaasiyiinta ku sugan gudaha Xalane iyo Taliska AMISOM ay qatarta amni ee soo korortay ay isaga moosayaan qeybaha kale ee garoonka Aadan Cadde.
AMISOM ayaa amartay in laga soo bilaabo albaabka laga soo galo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, Hotelka Decale iyo qeybaha kale ee howlaha muhiimka ah ay ka socdaan ayaa la sheegay inay suura-gal tahay in Al-Shabaab ay beegsadaan.
Waxaa maanta iyo shalay la arkaayay madax ka tirsan dowlada oo lugeeynaya wajiga hore ee garoonka Aadan Cade iyaga oo dibabada ku soo dhaafaay ciidanka ilaalada u ahaa.