Madaxda D G K/Galbeed oo isbitaalka ku booqday dadkii kusoo dhaawacmay qarax miino

Reading Time: < 1 minute

Wasiirada Caafimaadka, Warfaafinta, Shaqada iyo Waxbarashada ayaa ku booqday isbitaalka (Bay Regional Hospital) ee magaalada Baydhabo dhaawacyada dadkii shacabka ahaa ee kusoo dhaawacmay Al-Shabaab qarax miino ah.

Wasiirada ayaa dadkii ku dhaawacmay qaraxa Alle u weydiiyey inuu siiyo caafimaad deg deg ah intii ku nafwaysayna inuu Illaahay naxariistiisa Janno siiyo, waxayna tilmaameen in Dowladdu ay xoogga saareyso daryeelka caafimaad ee dadkaas.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa sheegay in shacabka magaalada Baydhabo laga doonayo in ay la soo wadaagan xogaha laamaha ammaanka si looga hortago wax kasta oo sababi kara amni darro.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in laamaha Amniga ay marwalba ku howlan yihiin sugida Nabadgelyada, laakin laga doonayo shacabka iyo laamaha amniga inay wada shaqeeyaan taasna looga hortagi karo qaraxyada ay geesanayaan Al-Shabaab.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!