Madaxda beesha Absame ee Kenya, Soomaaliya & Itoobiya oo ku shiraya Gaarisa

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Difaaca dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ku baaqay in dhawaan lagu qabto magaalada Gaarisa ee dalka Kenya kulan balaaran oo ay ka soo qaybgali doonaan madaxda  ka soo jeeda beesha Absame ee hogaanada kala duwan ka haya dalalka Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulankaan oo la sheegay inuu yahay kii ugu horreeyay ee noocan ah oo la qabto ayaa ujeedadiisu tahay in beesha Absame ay si buuxda uga tashato sidii loo maareyn lahaa loona xajin lahaa awoodaha siyaasadeed oo beeshu ku guuslaysaty inay ka hantano dalalka Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay MOL ayaa sheegaya in kulankaas oo la filayo inuu dhawaan ka furmo magaalada Gaarisa ay ka soo qayb gali doonaan guud ahaan madaxda kala duwan ee beesha Absame.

Waxaa la xaqiijiyay in kulankaas ay ka soo qeybgali doonaan; Ra’iisal Wasaare Xamse, Madaxweyne Mustaf Cagjar, Gudoomiyaha gobolka Gaarisa  Nadiif Jamac, Madaxweyne Axmad Madoobe, Xildhibaan Farah Macalin  iyo madax kale.

Kulanka waxaa gudoomin doona Wasiirka Difaaca ee dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale. Waxaa sidoo kale la filayaa inay kulankaas ka soo qayb galaan oday dhaqameedka ka soo jeeda dadka ku abtisada beesha Absame.

Wali lama soo bandhigin agendaha rasmiga ah ee shirkaaas laakiin warar hordhac ah oo lagu kalsoon yahay oo ay heshay MOL ayaa sheegaya in shirkaasi noqonayo mid looga arinsan doono aayaha beesha, sidoo kale sare loogu qaadi doono saameynta ay beeshu ku leedahay siyaasada dalalka sadaxda ah ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Waa markii u horeeysay taariikha Geeska Afrika oo ay mar qura beesha Ogaadeen kawada taliso ama hogaan sare ka hayaan sadaxda dal ee dariska ah. Waxaana muuqato in beeshu dooneyso inay xaqiijiyaan in si farsameysan oo wadajira loo ilaaliyo  isla markaana looga faa’iidaysto awoodahaas kalada iyada oo dhaxal raaga loo abuurayo jiilasha imaan doona.