Sida uu warbaahinta u sheegay Cabdirisaaq Maxamed Aadan oo ah Madaxa Hay’adda Farsight Africa Research oo dhawaan Shaacisay Qiimeeyn ay ku sameeysay Hoos-dhac ku Yimid Taageerada Iyo Kalsoonida Shacabku ay ku qabeen Madaxda Dowladda Iyadoo kaashaneysa hay’ad caalami ah oo la yiraahdo IPSOS ayaa waxaa uu sheegay in uu la kulmaayo Cadaadis xoogan oo dhinaca Dowlada uga Imaanaya.
Waxaa kagu Baahiyay Daraasada in ay Shacabku ka Niyad Jabeen Dowlada gaar ahaan madaxda sare, ayada oo madaxweynaha ay taageersan yihiin 67% shacabka, halka uu ra’iisul wasaaraha uu haysto 62%,taasi oo Hogaanka Dalku ka Carooday
Hay’adda ayaa sheegtay in Daraasadaasi laga sameeyey magalooyinka Garoowe, Muqdisho, Cadaado, Beledweyne, Kismaayo iyo Baydhaba.
Cabdirisaaq Maxamed Aadan ayaa waxa uu sheegay in kadib natiijada ay soo bandhigeen ay cadaadis xooggan kala kulmayaan dowladda federaalka iyagoo loogu goodinaayo in uu qalad weeyn galay oo uu been-shaagay
Waxaa uu sheegay in arintaani ay Culeeys weeyn ku noqotay oo mar-walbo ay lasoo hadlayaan Masuuliyiinta Dowlada Kuwaasi oo aan ku qanacsaneeynin Daraasadda la sameeyay.
Waxaa ceeb ah in Madaxda Ugu sareeyso dalka aysan ku qancin Kalsoonidooda,taasna ay shacabka iyo aqoonyahanada ugu goodiyaan maxaad u sheegteen