Reading Time: < 1 minute
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
248 days
14 hours
06 minutes
55 seconds

Waxaa magaalada Muqdisho maanta Kulan ay yeeshay Xubno ka socday Madasha Xisbiyada Qaran uuna hogaaminayay Guddoomiyaha Madasha Sharif Sheekh Axmed iyo danjiraha Midawga Yurub ee Soomaalia Ambassador Nicolas Berlanga ayaa looga hadley arimo ay kamid yihiin.

1. Ilaalinta Dastuurka iyo dhowrista xuquuqda muwaadinka.
2. Qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loo asteeyay, aysanna dhicin wax mudo kordhin ah.
3. Xaqiijinta kuraasta loo qoondeeyay haweenka
4. Iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka CoronaVirus.

Ururka Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in uu bixiyo lacagta doorashooyinka sanadka dhammaadkiisa lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya, waxaana ay sugayaan oo kaliya heshiiska doorashooyinka oo dhex mara saamileyda siyaasadeed ee dalka sida MOL ay u sheegeen howlwadeeno ka tirsan xafiiska Ururka Midowga Yurub.

MW Farmaajo ayaa gebi ahaanba diidan in uu arrimaha doorashooyinka kala xaajooda saamileyda siyaasadda waxaana isaga iyo Guddoomiyaha ururka doorashooyinka Qaranka Xalimo Yarey aay weli aaminsan yihiin in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, taasoo ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay uu yahay sidii loo musuqa lahaa lacagta doorashooyinka