Madasha dhismaha Golaha Culumada oo gacan ka hadal ku soo dhamaaday! Sabab?

Reading Time: 3 minutes

Dowlada Federaalka ayaa in mudo waxa ay isku dayeysay inay dhisto golo culumo oo ay u dhan yihiin dhamaan firqooinka kala duwan ee isku heysta diinta ee ka jira dalka Soomaaliya.

Qorshaha dhismahan ayaa waxaa loo xilsaaray Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo uu wasiirka ka yahay madaxii hore ee ururka Al Shabaab Mukhtar Roobow (Abuu Mansuur.

Fakarka ah in Mukhtaar Roobow hogaamiyo qorshaha dhismaha Madasha Culumada Soomaaliyeed ayaa waxa durbadiiba ka horyimid Ururka Ahlu Sunna Wajameeca.

Culumada Ahlu Sunna Wajameeca ayaa ku tilmaantay Mukhtaar Roobow in aan lagu aamini karin ilaalinta caqiiqada ahlu dariiqada. Khilaafkaan ayaa waxa soo dhex galay madaxaweyne Xasan Sheekh isaga oo balan qaaday in uu kor-joogteeyn joogta ah ku sameeyn doono madashada iyo shirarka lagu dhisaayo Golaha Culumada Soomaaliyeed.

Qaar kamida culumada  Ahlu Sunna Wajameeca oo ka jawaabaya codsiga Madaxeynaha ayaa ogolaaday inay ku biiraan wadahdalada lagu dhisayo Golaha Culumada Soomaaliyeed. Qaar kale oo kamida culumada Ahlu Sunna ayaa dhankooda ka biyo diiday ku biiritaanka kulanka lakiiin waxa ay taageereen in kulanka sii socoda.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa magalaada Muqdisho ka socday kulamo loogu golol xaarayo aas aaska Galaha culumada Soomaaliyeed.  Mid kamida kulamadaas ayaa lagu go’aamiyay in boqolkiiba lixdan (60%) xubnaha golaha la siiyo Ahlu Sunna halka boqolkii afartna (40%) la siiyo firqooyinka isku baheystay Wahaabiyada oo ay ku jiraan; Salafi-Jadiida, Ictisaam, Alla Sheekh, Al Islaax iyo guud  iyo kuwa kalaba.

Taladaan ayaa waxa si buuxda uga soo horjeestay Mukhtaar Robow (Abuur Mansuur). Waxa uu sheegay inayan xaq ahayin  Ururka  Ahlu Sunna oo ku socda wado qaldan ay helaan 60% xubanha Galaha la dhiso doono.

Kulankii afartaad marka la isugu yimid ayaa waxaa ka dhacay gacan ka hadal dhex maray firqooyinka wahaabiyada iyo Culumada Ahlu Sunna. Kulankaas ayaa waxa dagaal gacan ka hadal geystay mas’uul uu soo dirsaday Mukhtaar Roobow  (Abuu Mansuur) kaas oo dhaawac weyn gaarsiiyay mid kamida culumada Ahlu Sunna ee ku sugnaa goobta shirka.

Shiikh Soomow ayaa waxaa gaaray dhaawac culus iyada oo gacana ay ka jabtay madaxana uu ka soo gaaray daqar xoog leh. Mukhtar Rooboow (Abuu Mansuur) ayaa ku eedeyay in Ahlu Sunna inay ka danbeeysay dagaalka, halka culumadii halkaas joojtay ay isku raaceen in kooxaha uu soo dirsaday Mukhtaar Roobow ay iyagu mas’uul ka ahaayeen dagaalkaas.

Sida MOL uu u sheegay mid kamida goobjoogayaasha shirkaas, Ahlu Sunna ayaanba gacan qaaday, iyada oo la dilayo ayaa aysan ka  jawaabin dilka loo geyestay.

Si kastaaba ha ahateen Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhibkii dhacay  la gaarsiiyay isaga oo balan qaaday inuu baaritaan ku sameeyn doono. Wixi halkaas ka dhacay iyo qaabka dib la isugu so celin lahaa culumada kala irdhootay.

Halkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay hogaamin lahayd dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee dalka ka socda, waxa ay khalalaase diimeed ka dhex abuurtay culumda Soomaaliyed, Khilaafkaan ayaana keena inayan Culumada Soomaaliyeed ka hadlin dagaalka lagla  jiro ururka argagaxisada Al Shabaab.

Waxa kale iyada dib u dhac weyn ku yimid qorshihii lagu doonayay in  lagu magacaabo MUFTI la isku raacsan yahay oo magaca diinta Islaamka ku soo saara fadwooyin diini ah. Lama ogo talaabada xigtaa oo uu qaadi doono Madaxweyne Xasan Sheekh.