Madal Siyaasadeed oo Puntland Laga Asaasay iyo MW Deni oo Ka Xun.

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya culeys siyaasadeed iyo istaraatiijiyad loo degay si uusan xukunka ugu soo laaban, waayo waxaa la ogaaday dhibaatada ay Puntland beelaheeda wajahayaan haddii uu talada Deni ku soo noqdo.

Waxaa Puntland ka bilowday in bannaanka la soo dhigo inayan Puntland ku sii socon Karin jidka uu rabo MW Siciid Deni, kaas oo ah inuu talada ku soo noqdno, isagoo isticmaalaya farsamooyin ah inuu qabto doorasho ay xisbigiisa KAAH ku shubtaan doorashada.

Xisbga Kaah waxaa uu hadda doorashada u isticmaalaa dhaqaalhii iyo hantida dowladda oo ay ku jiraan gaadiidka dowladda Puntland oo ahayd in loogu adeego dhammaan shacbiga Reer Puntlnd.

Madasha Siyaasadda ee Puntland

Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay FDS ayaa magaalada Garoowe kaga dhawaaqay Madasha Siyaasadda Puntland.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee loo aasaasay madashan ayaa  ah:

  1. Ilaalinta xasiloonida Puntland tan oo markii ugu horreysay uu Deni MW Dhaawacay markii uu wiilal reer Puntland ah isku dila Bosaaso.
  2. Sareynta sharciga, tan oo uu Siciid diidan yahay rabanna inuu isaga yahay sharciga wax ka sarreeyaana aanay jirin.
  3. Iyo in doorashada Puntland ay waqtigeeda ku dhacdo oo aan waqti haba yaraatee lagu darin.

Siyaasiyiinta Madaxda ayaa waxayna ku tilmaameen doorashooyinka qof iyo cod kuwo marin habaabin ah oo uu dano gaar ah ka leeyahay Madaxweyne Deni, rabanna inuu talada ku sii joogo.

Haddaba madasha oo ay ka soo muuqdeen rag fahmi kara qiimaha ay Puntland ku leedahay Federaalka, kuwaaas oo ka soo shaqeeyey labada meeloodba ayaa bayaankooda ugu horreeya waxay ku sheegeen in ujeedkoodu yahay “Xaqiijinta in Puntland ay ka dhacdo doorasho hufan, loo dhan yahay oo si nabadgeyo ah ku dhacda laguna soo doorto Baarlamaan, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen 8da Jannaayo, 2024”.

Siciid iyo Dadka reer Puntlnad mucaarid iyo muxaafidba waxay isku khilaafsan yihiin:

  1. Qabashada diinwaangelin aan sax ahayn inuu ka qabto Puntland, taas oo uu rabo inuu isaga u istricmaalo si ku daneysasho ah, taladana ku soo celisa. Reer Puntland waa diidan yihiin arrinkaan.
  2. MW Siciid waxaa uu diidan yahay tirakoobka guud ee dalka iyo diwaangelinteeda taas oo la rabo in loo isticmaalo doorasho xor yo xalaal ah oo ka dhacda dhamaan jamhuuriyadda, waana sida ay rabaan dadka reer Puntland.

Gabagabdii Puntland waxay wajaheysaa xaalad adag waayo MW Deni wuxuu ku wadaa waddo Mugdi ah oo u eg tii Farmajo oo uu isaga xataa ku diidanaa.