Madal looga soo horjeedo Qoor Qoor oo Muqdisho looga dhawaaqey

Reading Time: < 1 minute

Madal Badbaado oo ka horjeeda maamulka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

War-Murtiyeedii ugu horeeyay ee Madasha Badbaadada Galmudug soo saartay ayaa lagu sheegay in hHogaanka Galmudug ee waqtigan dhammaystay laba sanouu ku guul-darraystay gudashada waajibaadkii loo igmaday, gaara haan dhinacyada kala ah: Dhinaca Arrimaha Bulshada:

“Iyadoo laga jawaabayo arrimahaas waxgaradka Galmudug marka ay ka wada-tashadeen xaalka taagan, waxay go’aansadeen in waxa ka socda Galmudug aan indhaha laga fiirsan karin, lana sameeyo “MADASHA BADBAADADA GALMUDUG” taasoo ay ku midaysan yihiin waxgaradka, siyaasiyiinta, dhallinyarada iyo haweenka Galmudug ee ka damqaya xaaladda Galmudug ku sugan tahay, una taagan badbaadinteeda” aya lagu yiri War-murtiyeedka.

Madashan ayaa sheegtay inay u taagan tahay arrimaha soo socda:

1- Uruurinta iyo abaabulidda waxgaradka reer Galmudug ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ee isbedel-doonka ah.

2- Ka badbaadinta Galmudug kooxaha danaystayaasha ee ay gacanta u gashay iyo dhismaha Galmudug midaysan, loo dhan yahay, danaha dadkeeda ka shaqaysa ayadoo loo marayo wadda Sharciga ah ee ugu suurtagalsan sida ugu dhaqsaha badan.

3- La socodka iyo diiwaangalinta tacadiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada, musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodda ee uu geysanayo hogaanka Galmudug.

4- Ka difaacidda Galmudug in aysan gacanta u gelin kooxaha argagixisada ah waqtiga kalaguurka ah iyo wacyigelinta bulshada in ay iska difaacaan cadowga.

5- Ka ilaalinta Galmudug in aysan ka dhicin boob doorasho oo sabab u noqda dagaallo, fowdo iyo xasilooni darro la xakamayn kari waayo, ayadoo la diiwaangelinayo boobka doorashada isla markaana dacwad ka dhan cid kasta oo ku lug yeelata la gudbin doono.