Madadaxweyne Muuse Biixi oo Shirkadda DP-word uga Mahad-celiyay Aqbalid La’aanta Dacaayadda Dowlada Farmaajo”DFS Warkeed inaad Meel iska dhigteen waad ku mahadsan Tihiin”

Reading Time: < 1 minute

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay ballaarinta dekadda weyn ee magaalada Berbera ayaa sheegay in shirkadda DP World ay mudan tahay ammaan weyn oo ku aadan mashruuca dekedda Berbera,Iyo howlaha kale ee ay ka wado Deegaanada Maamulka Soomaaliland
Madaxweynahu Waxa uu sheegay in madaxda shirkada DP World uu uga mahad celinayo inaysan dheg jalaq u siinin hadalkii dowladda federaalka ee ahaa in dekadda aan lagu wareejin karin shirkado, iyada oo aan fasax laga heysan dowladda federaalka.

Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay furitaanka dekedda ayaa yiri ”Shirikada DP World waxaan uga mahad celinayaa inaysan dheg jalaq u siinin hadalka dowladda federaalka, waana mudan yihiin in loo mahad celiyo”

kolkii shirkada DP World lagu wareejiyay dekada magalada Berbera ayaa taasi waxa ay sababtay in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galo dowladda federaalka iyo Imaaraadka Carabta oo ugu dambeyn dhaliyey in shirkada DP World ee Imaaraadka dalka laga mamnuuco.

Imaaraadka Carabta ayaa ku gacan seeray go’aannada dowladda Soomaaliya, waxayna sii wataan heshiisyada ay la galeen Somaliland iyo Puntland ee ay kula wareegeen dekedaha Berbera iyo Boosaaso,iyadoo Howlo kale oo Muhiim u ah Bulshadana ka wado Dhulka Soomaaliyeed

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!