Madaafiic iyo hubka fudud oo lagu weeraray degmada Awdheegle

Reading Time: < 1 minute

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerar madaafiic loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Sh.Hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Sida wararku sheegayaan, madaafiic 10 kudhow ayaa lagu garaacay saldhigyo ay ciidamada Gorgor iyo kuwa 14-ka October ku leeyihiin degmada, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo dad shacab ah.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Gabar 8 sano jir ah ay ku geeriyootay madfac habow ahaa oo gurigeeda ugu tagay halka ay ku dhaawacmeen 12 Ruux oo isugu jira Saddex Askari iyo 9 Ruux oo Shacab ah.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaafiicdan oo qaarkood dhaafay halka lala bartilmaameedsaday ay sababeen iney gubtaan 9 guri oo ay daganayeen dad shacab ah, iyadoo ciidamada dowladda ay dhankooda madaafiic ugu jawaabeen jihada uu hoobiyayaasha ka soo dhacayay.

Xaaladda degmada Awdheegle ee gobolka Sh.Hoose ayaa wali ah mid kacsan, iyadoo ciidamada Gorgor iyo kuwa 14-ka October ay sameynayaan howlgalo ay ku baacsanayaan kooxihii weerarkan ka danbeeyay, dadka shacabka ah ayaa iyaguna ah kuwo hadal haya weerarkan khasaaraha xooggan dhaliyay.