Madaafiic culus oo saaka leysku weeydaarsaday furimaha dagaalka Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Dhawaqa hubka culus ayaa saaka oo Arbaco ah laga maqlaya furimaha dagaalka magaalada Laascaanood. Ciidamada Somaliland iyo ciidamada degaanka ee SSC-Khaatumo ayaa sida la sheegayo is weydaarsanaya madaafiic.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay madaafiicda saaka laga maqlayo jiidda Laascaanood islamarkaana labada dhinac midna weli kama hadlin. Labada dhinac ayaa sidoo kale samaynaya dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka duwan sidii hore waxaana saacad kasta la filan karaa dagaal toos ah.