Macalin Max’ud oo si qarsoodi ah uga dhoofay Dh/mareeb & shaki aburmay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya magaalada Dhusameed ayaa sheegaya in hogaanka sare ee Al Sunna Wajameeca  Macalin Maxamuud uu si qarsoodi ah uga soo dhoofay magalaada Dhuusamareeb xili ay ka socoto magaalada Dhuusamareeb shirar heshiisyo lagu kala saxiixanayo.

Safarka dedg dega ah  ee Macalin Maxamuud ayaa imaayana iyada oo lagu wareejiyay Kooxda Al Sunna Wajameeca lacag gaaraysa $800,000 oo cadaan ah. Lacagtaas oo hordhac looga dhigay lacago kale oo laga balan qaaday in la siin doono Macalinka iyo xirtiisa hadii ay fulayaan heshiiska lagu heshiiyay.

Mid ka mida Mas’uuliyiinta Al Sunna oo ay caawa la hadlay Shabagada  MOL ayaa u xaqiijiyay in safarka Macalin Maxamuud uu abuuray shaki iyo in uusan raali ka ahaynin sida wax u socdaan. Mas’uulkaas oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa yiri “Macalinka waxa uu ka cararay mas’uulyada in uu qaado hadii qodobada lagu heshiiyay ansaxi waayaan”.

Macalin Maxamuud ayaa la sheegayaa in uu u dhoofay dalka Sacuudiga isaga oo maanta ka raacay Muqadishu diyaarad keentay dad tarxiil ku yimid.