Shiikha hogaanka u haya Kooxda Al Sunna Wajameeca Macalin Maxamuud oo labo asbuuc ka hor si deg deg ah uga dhoobay magalaada Muqadishu ka dib markii uu ka soo noqday Magaalada Dhuusamareeb ayaa hadana maalintii doraad ahayd dib ugu noqday Dhuusamareeb.
Macalin Maxamuud oo isagu leh go’aanka ugu danbeeya ee oo ay gaarayso Kooxda Al Sunna ayaa soo noqoshadiisa deg degta ah waxa lala xiriiirinayaa culays ka yimid taabagalinta go’anadii lagu heshiiyay. Macalinka ayaa waxa laga soo sheegayaa in uusan raali ka ahayn qodobo hor leh oo Xasan Kheyre hor dhigay kooxda Al Sunna.
Go’aanadii uu qaatay Xasan Kheyre ee ahaa in Dhuusamareeb noqoto goobta ay ka dhacayso doorashada Galmudug ayaa waxaa ka biyo diiday beelaha dega Galmudug. Arintaan ayaana keentay in Kheyre kula soo noqdo reer Dhuusamareeb qorshe cusub.
Waxa aan wali la ogaynin sida macalinku u aqbali doono qorshaha cusub ee Kheyre ka keenay magalaada Gaalkacyo.