Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen Macalin Maamule ka ahaa Iskuulka Daarul-Amal oo mid ka mid ah Iskuulada ku yaalla degmadaas
Maamulaha la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cumar Mahad Cabdi,waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in loogu tegay laguna dilay goobtiisa Shaqada ee xafiiskiisa xilli ay ardaydu Casharada qaadanayeen.
Dad ku sugan Afgooye ayaa u sheegay warbaahinta in dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeen,hayeeshee ardaydii iskuulka ay kala carareen,iyaga oo ka naxay dilka Maamulihii Iskuulkooda.
Lama oga sababta ka dambeysa dilka Maamulaha iyo cida dishay,hayeeshee waxa uu ku soo aadayaa xilli xalay Xaafada Coca Cola ee degmada Yaaqshiid lagu dilay Macalin Maamule ka ahaa Iskuul ku yaalla Xaafadaas.