VIDEO: Macalin Darbawayne  oo ku sigtay in uu feero Wasiir hore oo diidanaa Shirka Mudulood

Reading Time: < 1 minute

Dood ka baxeeysay mid ka mid ah TV-yada Soomaalida oo looga hadlaayay Maqaamka Muqdisho iyo shirkii beelaha Mudulood ee dhawaan ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa lagu sigtay in la isku feero ka dib markii doodu aad u kululaatay.

Maxamuud Axmed Xasan Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya gaar ahaan xukuumadii Raisalwasaare Abdi Farah Shirdoon (Saacid) oo ka qeeybgalayaya dooda ayaa si aad waxaa uu u dhaliilay siyaasiinta Mudulood kuwaasi oo uu ku Tilmaamay dabaalo.

Arrinkaasi waxaa ka xanaaqay Macalin Darbawayne oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed,waxaana uu ku sigtay in uu feero Maxamuud.

Dad badan ayaa aaminsan in Maxamuud Axmed Xasan uu ka mid yahay shaqsiyaad mushaarka joogtada ah ka qaata Villa Soomaaliya