Macalimiinta Magalada Wajeer oo Bilaabay In Ay Ka Cararaan Magaalada&Iskuulo Badan oo Bilaa Bare Ah

Reading Time: < 1 minute

Kaddib weerar ka dhacay Wajeer oo loogeystay Macalimiin aan u dhalan degaanka Wajeer aya sababay in Barayaashaasi ay hadda billaabaan in ay isaga cararaan degaankaas.

Barayaasha ayaa sheegaya in amnigooda ay u baqayaan maaddaama AL-shabaab ay billaabeen beegsiga Macallimiinta aan u dhalan degaankaas ee ka howlgala waqooyi Bari Kenya.

Mas’uuliyiinta Gobolka iyo waaliddiinta ayaa ka walaacsan xaaladdan cusub ee waxbarasho la’aanta ah maaddaama Dugsiyada degaankaas ay hadda barayaal la’aanyihiin.

Xoghayaha Ururka ay ku mideysanyihiin Macallimiinta Waxbarashada Kenya ee Knot Nuur Bardaad ayaa sheegay in 15 Iskuul ay macallin la’aanyihiin waxa una ku hanjabay in dhamaan macallimiinta ay ka bixi doonaan degaannadaas haddii madaxda siyaasadda iyo amaanka degaankaas aysan wax ka qaban dhibaatada ay la kulmayaan Barayaasha.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!