Siyaasiyiinta ka soo jeeda Kenya ayaa aad ugu soo hor jeystay macalimiinta Kenyaan ah ee wax ka dhiga iskuulada ku yaala Gobolka Waaqoy Bari ee Kenya.
Macaliminta oo dhawaan sheegay in ay ku noolaan Karin Gobolkaasi oo martiyay weeraro kaga imaada kooxda Al-shabaab.
Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamaanka Kenya Faarax Macalin oo arintasi ka hadalayay aya shegay in bixitaanka macalimiinta ee ka bixista Gobolka waaqoy Bari kenya in ay tahay waxii ay rabeen Al-shabaab.
Waxa uu shegay in Al-shabaab ay doonayeen in ay tir tiraan Dowlad nimada ka jirta Gobolkaasi, hadi ay ka baxana ay tahay dambi qaran.
Al- shabaab ayaa kordhiyay sanadkaan weerarada ay ka geystaan Gobolka waaqoy Bari ee dalkasi Kenya.