Abwaan soomaliyeed waxaa uu I xusuusiyey oraan hees ku jirtay oo uu leeyahay “ Maba doonayaan inaan dowlad ahaan, ayaan dooneyn kuwii dantooda sameysan jiray”
Haddaba maanta waa malin kale waxaa jira kooxo ah kuwa abwaanka uu heesta ku tilmaamay, Sideedaa murtida Somalida kuma baxdo cidla ee waxay mar waliba ka dhalataa xaalad jirta.
Kooxdan Cusub ee Doorasho diid ayaa duraba ka hor iimid go’aanka doorashada juun 2024. Kooxada waxaa ku jira rag masuulyiin dalkaan ka soo noqday oo dhibasaday in laga guuro 4.5 waxaana ka ah MW hore Shariif Sheekh Axmed, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Xasan Cali Kheyre, Cabdiweli Shiikh Axmed, Cabdiweli Gaas, Shariif Xasan Sh. Aadan, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, Hon. Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed.
Hasa yeeshee, waxaa iska bari yeelay MW hore Farmajo kadib markii uu si dhow ugu fiirsaday waxay bilaabeen kooxdani qeyli dheer oo ay ku diidan yihiin in 4.5 laga gudbo si uu sii socdo sedbursiga qabiilada waaweynka isku sheegay, inkastoo aysan jirin meel la isku tiriyey hadda ka hor. Dhibatada odayaashan waxa tan uu horay u sheegay abwaanka uu heesta codka macaan ku qaaday qeybta fannaanka weyn ee Axmed Cali Cigaal ka muuqata.
Haddaba, maanta waxaa la gaarayaa xelligii wax lagu noqon lahaa maxaa taqaan oo laga tagi lahaa yaa taqaan? Dhinaca kale waxay guul weyn u soo hoyatay beelaha .5ka loo bixiyey oo maanta codkooda wax ku dooranaya soona dirsan karaan wakiillo ay iyaga soo xusheen oo danahooda matalaya ee aan aqbali Karin awr kacsi iyo anigaa idiin maqan.
Dhinaca kale waxaa muuqda inay hogaanka so geli karaan dhallinyaro uu oday dhaqameed horjoogay oo nidaamka laga celin jiray , waxaana u haoary oo kaliya inay xoog u taageeraan barnaamijkaan iskana qabtaan kooxdaan danahooda wadata oo raba in 4.5 loogu xernaado.
Waa dhab inay jiraan dad ka horimanaya in si caddaalad loo gaaro qof iyo cod in doorasho lagu galo waayo sed bursi ay heysteen ayey waayayaan oo cadaallada ayaaba u daran. Doorashada qof iyo cod waa geesinimo ay ku dhiiratay dowladdaan oo iyada laftigeeda ku waayi karta hogaanka dalka waayo dadku waxay dooranayaan qof ay hubaan inuu danahooda ka shaqeynayaan.
Haddaba, waa kuwee astaamaha aan ku garan karno kuwa diidan in uu dalka horay u socdo oo aan la helin dowlad xor kaah dhinac walba?
- Waa hogaamiyayaasha wax ku soo noqday oo ku soo bixi jiray qaabkan 4.5 oo haddii reer hebel kursiga qaataan anigana gambarka ayey beesheydu xaq u leedahay oo sidaas wax ku noqon jiray.
- Ganacsato kharash ku soo bixin jiray inay kuwa noocaas ah u soo dirsadaan hogaanka dalka si ay ugu sedburiyaan mashaariicda ay ahayd in loo sinnaado.
- Shisheeye iyo shisheeye kalkaal isaga la qaraabta kuwa dhiiggeena jaqa ee marka mashuurc fatahaadaha lagu joojiyo loola tago yiraahda maya, ma idiin sameyneyno ee marka uu webiga idinku fataho oo dad idin ka dhintaan ayaan mucaawino idin siineynaa.
Isku soo duub, Somaliya maanta ayey u jiheysatay inay noqoto dal madax banana oo soo doorta hogaankeeda, una sheegi karta hogaankaas inuu qabto wixii lagu soo dortay iyadoo la yaqaanno maalinta uu imtixaanka kale (Doorasho) u fadhiisanayo si loo ciqaabo ama loo abaalgudo.
Sidaas waa sida MW Erdogan oo la yiri kuma hurtee na hogaami iyadoo gudaha iyo dibadaba lagala dagaalay, gaar ahaan reer Galbedka ayey reer Turkiye yiraahdeen maya isagaa na hogaaminaya oo waxaan xisaabineynaa meeshii aynu joognay markii uu talada qabtay 20 sano ka hor iyo hadda aynu nahay nukliyeer power ah oo aysan jirin beri iyo galbeed dowlad go’aan caalami ah qaadan kartaa iyadoon ogaan mowqifkeenna.
Wax badan ayaan ka baran karnaa walaalahayn Turkiye oo Dadka wanaagga dalka jecel, dadka raba inaynu dowlad noqonno iyo dadka lagu riixi jiray .5 waa inay iska kaashadaan oo ay maya ku yiraahdaan kuwa raba inay nagu hayaan 4.5 oo dhiiggeenna sii nuugaan. Bal u fiirso liiska Texan keebaa dalkaan hogaamin kara casrigaan ay dunida sida degdegga ah isu badaleysa. Dagaalkooda waa u gar oo adiga iyo aniga cod nagama helayaan oo waxaan rabnaa hogaamiye aqoon iyo karti hogaamineed leh oo iga dhicin kara Dr. William Ruto iyo Dr. Abiy Ahmed.
Dowladdaan waxay hadda hal hays ka dhigatay HALKUDHEG farxad gelinaya qofka dalka iyo dadaka Somaliyeed daneynayaa “ Dooro ama Ha Lagu Doorto” Waana inaan midkood noqonnaa aniga iyo adiga. Rabow Teendhada ha noo celin. Aamiin
“Maba Doonayaan inaynu Dowlad ahaan … Ayaan dooneyn kuwii danahooda sameysan jiray”