Maayirka Laascaanood oo ka hadlay dagaalka ka socda Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Maayirkii Somaliland u qaabilsanaa Laascaanood Cabdirixiin Cali Ismaaciil ayaa markii u horraysay ka hadlay dagaalka ka socda nawaaxiga degmadaas.

Maayirka oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha degaanka Laascaanood ayaa dagaalka halkaas ka socda ku tilmaamay mid u dhexeeya laba qabiil.

“Laascaanood Isaaq iyo Dhulbahante ayaa ku dagaalamaya ina Biixiyow ciyaalkaaga labax walaahi waanu dagaalamynaa inta qof naga noolyahay” ayuu yiri Maayirka.

Xubno ka tirsan golaha degaanka oo halkaas ka hadlay ayaa dhankooda sheegay in Somaliland aysan waxba ula harin dadka SSC.

Waxay sheegeen in duqaymo aan kala sooc lahayn lagu garaacayo Laascaanood waxaana ay ku baaqeen in la is difaaco.