Maasaajidyada Muqadishu ee ku yaala deeganada dowlada ka taliso oo looga digay in berito looga duceeyo Maxamed Mursi

Reading Time: 2 minutes

Waxaa fartiimo la gaarsiiyeen caawa qaar ka mida Iimanada masaajidyada  Muqadishu ku yaal gaar ahaan kuwa ku yaala deeganada ay dowlada ta taliso. Culumo badan oo ka xumaaday dhimashadii Maxadweynihii Hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa waxa ay doonayeen in berito  oo jimcaha looga  duceeyo masaajiyada Muqadishu  isla markaana lagu sheego qudbooyinka sida ummadda Soomaaliyeed uga xun tahayyül sida loola dhaqmay Marxuun Maxamed Mursi.

Masaajidyada sida gaar ah caawa loogu wargaliyay go’aanka dowlada ayaa waxa ka mida Masaajidka Isbahaysida Islaamka iyo masaajidka ku yaalo madaxtooyada dhexdeeda kuwas oo loo sheegay in ay ka fogaadeen maalinta  berito in loo duceeco Marxuun Maxamed Mursi ama la soo hasal qaado. Warkaan ayaa si hoose loo gaarsiiyay culomada imaanka ka ah masaajidyadaas iyada oo uu Farmaajo ka baqayo in ay arintaan kacdoon keento hadii si toos ah dowlada uga hadasho.

Shiikh Cabdiraxman Nur oo dushiya masaajirka ku yaalo duleedka Megmada Madiina ayaa u sheegay caawa qaar ka mida Idaacadaha Muqdishu in berito maasjidkiisa loogu duceeyn doono Marxuun Maxamed Mursi. Shiikh Cabdiraxman ayaa yiri ” Alaha u naxariistee Maxamed Mursi waxa uu ahaa halyeey muslimka u soo baxay, waana u ducaynaa berito, qubadana waa lage soo hadal-qadayaa… kuwa digniinta caawa ii soo diray berti ha yimaadaan masajidka AL Nur oo aniga iyo muslimiinta dukanayso ha soo xireen”.

Dowlada Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda aan ka tacsiyadeyn dhimashada Madaxweynhii hore ee Dalka Masar Maxamed Mursi.  Dhamaan dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya oo ay ku jiraan dalalka Qatar iyo Turky ayaa u sameeyay barnaamijyo loogu duceynayo Marxuun Maxamed Mursi.