Maanta waa Maalin Weyn Hambalyo Ummada Somaliyeed Iskana Jira Dhagarta NN

Reading Time: 3 minutes

Waxaa muuqata in NN ay weli ku jiraan dagaal aan kala go’ lahayn si ummadda loo marin habaabiyo. Waxaa ka go’an inaysn warbaahinta ka bixin oo mar waliba noqdaan kuwa laga hadlayo ama dhaqaajiya wararka iyo doodaha bulshada dhexdeeda ah.

Waa qaab caan ah oo siyaasdeed laguna talagalo in warbaahinta lagu jiro mar waliba, iyadoo la buurayo warar iyo mararka qaar xasarado dadka looga jeediyo waxyaabo kale ee dantooda iyo horumarka dalkooda iyo degaankooda ka jira. Waxaa hadda suuqa lagu soo tuuray in Farmajo guri loo dhisayo, laakiin lagama hadlayo lacagta uu xaday ee uu seddex guri kaga gatay Mareykanka. Sidoo kale Waxaa wareysiyo qorsan oo aan run lagu raadineyn ay bixiyeen Labadii isga dambeysay NISA, Yasiin Farey iyo Fahad Yasiin. Wareysiga lama siin laamaha warbaahinta ee awoodda iyo aqoonta wareysi leh sida laamaha warbaahinta qaranka, Raddiyo Kulmiye, BBC-da ama VOA ama kuwa la hal maala.

Tussale maata waa maalin ku weyn umadda Somaliyeed oo taariikhdeed baal dahab ah ka galeysa waayo waxay caleema saareysaa madaxdweynihii 10aad ee ay Jamhuuriyada Somaliya ayeelato, kuna yimid doorasho raalli la isaga yahay.

Arrinataan waa wax in lagu faano mudan oo Somaliya loogu hambalyeeyo inay tahay dal dimoqraadi ah dhibkasta ha u martee. Waana wax ay tahay inay dunida Afrikaanka ah kaga dayato Somaliya, marka laga reebo Farmajo  iyo Siyaad Barre oo Khasab looga dhigay dalka oo boholo kala dhaceen.

Haddaba NN waxa haboonaan lahayd inay guushaas weyn ee Somali u soo hoyatay ay ku farxaan oo ay doc faruurka joojiyaan kana qeyb qataan maalinta weyn ee ay shacbiga u dabbaal dagayaan guusha taariikhda geli doonta, waayo waxay buugta taariikh ka soo muuqan doonta iyadoo ay tahay markii labaad ee uu Madaxweyne talada dalka lagu soo celiyo kadib arkii loo arkay in loo darsaday oo waddadii uu nagu waday ay sax ahayd.

Sidoo kale waxaa mar kale dalka imanaya hogaamiyayaal caalamai ah oo ka qeyb galaya caleemasaarka Madaxdweynaha 10 aad Jahuuriyada Federaalka Somaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ahna madaxweynihii ugu horeeyey ee :-

  1. Mar kale dib loo doorto taariikhda Somaliya.
  2. La soo ceshado kadib maakii uu dalka ku dhacay bohol, lana gartay inuu yahay qofkaliya ee xelligaan ka saari kara.
  3. Madaxweyne tusaale u noqon kara waddamada Afrika si ay ugu daydaan shucuubtooda inaan xukunka xoogna lagu joogin, xoogna lagu raadin ee marka lagu yiraahdo na dhaaf aad si nabad ah u ogolaatid, marka laguu baahdana aad si nabad ah ku timaadid, kuna joogtid.

Haddaba Shacbiga Somaliyeed ha ka koro caadifadda iyo huuhaada beenta ah oo ay NN bartay welina ku wado. Waayo waxay si joogto ah ugu sheegi jirtay in Mugdi uu iftiin yahay , been ay run tahay, Dhallanteed uu dhab yahay, fashil uu guul yahay, kali taliye uu hogaamiye yahay, quurna ay qab tahay.

Waa in lala yimadaa halbeeg kale oo lagu cabiro madaxda iyo kuwa u soo istaaga hogaaminta umadda. Weli lama arag qof aan dhakhter ahayn oo wadne qalaya adna u dhiiban meysid haddii uu ku yiraahdana waad ka diideysaa, laakiin qof aan hogaamin baran, siyaasad baran ayaa naftaada iyo tii ubadkaga u dhibeysaa waa doqonimo waxay la mid tahay adigaa wade mooto bajaaj u dhiibtay dayuurad ama waardiye yiri xaaskaan ii dawee waa iga jirran tahaye. Runtii Somalida ha fahamto Faaska tima laguma xiiri karo oo ma goyn karo, Sakiinna geed ma goyn karto, waayo midba meel ayu uku adan yahay  siyaasadduna waa sidaas oo qof aan hogaain baran dal ma wadi karo.

Dalka cidda loo dhiibayo waa in laga fiirsadaa inuu leeyahay xirafadah hogaaminta oo uu yaqaanno wadahadalka, nabada, qancinta, saamaxa iyo sabarka, laakiin marka nin aan damiir lahayn oo weliba ma dherge ah aad tiraahdo ilamaheyga noloshooda ayaan kugu aaminayaa waa doqonimo ee qof waliba halku u uku haboon yahay Somaliyey u dhiibta.

Hambalyo maanta waa maalin weyn, Hamablyo Madaxdweyne Xasan Sh Maxamuud waa laguu aaminay ee ka feker halka ay joogi doonto afar sano ka dib.

Farmajo wadne naxa iyo damiir toona ma laha oo xataa wuxuu garan la’ayahay inuu dadka Abaarta hayso yiraahdo wax ha loo ururiyo isagoo seddex guri ka gatay Mareykanka ayaa weli uu rabaa inuu lacago ceyr laga soo ururiyey guriga loogu dhiso.