Maanta oo madaafiic la isku weedaarsaday duleedka magaaalda Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood waa halkaan ka bilaawday dagaal culus. Codanka  dadka degaanka iyo ciidamadda Somaliland ayaa isku—waydaarsanaya madaafiic goos-goos ah jiidaha magaalada Laascaanood.

Dhanka kale, ciidamada Somaliland ayaa sii wada hubka culus ee ay ku garaacayaan qaybo magaalada kamid ah iyada oo saakadii hore ay ku dhaceen gudaha xarunta gobolka Sool. Ma cadda khasaarah ka dhashay.

Dagaal ayaa ka socda aagga Galbeedka Laascaanood. Ciidanka deegaanka ayaa sheeganayaan in iyaga oo oo jooga Buurta Hodan ay soo weerareen Ciidanka Somaliland.

Aaga bariga  Togga Maraaga ilaa Buuraha Nuur daaqaha ayuu dagaalka ka socdaa Sida ka laga soo warijayo magaalada Laascanood.