Maanta oo la sugayo in la shaaciyo liiska Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Puntland

Reading Time: < 1 minute

Maalintii labaad ayaa magaalada Garowe laga sugayaa in looga dhawaaqo liiska xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Puntland.

Sida qorshuhu uu yahay waxaa maanta oo taariikhdu ay tahay 31/12/2018 lagu wadaa in lagu dhawaaqo xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada Puntland.

Gudiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland ayaa wada diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista xildhibaanada golaha wakiilada Puntland ee shanta sano ee soo socota.

Xildhibaanada ay gudiga ku dhawaaqi doonaan ayaa caadiyan ka koobnaan doona 66 xildhibaan waxaana ay yihiin kuwa soo dooran doona gudoonka iyo xafiisyada ugu sareeya ee dowlada.

Sida MOL ay u xaqiijeen ilo xog ogaal ah  waxaa wali jira ismaandhaaf iyo khilaaf ka taagan xubnaha qaar ee beeluhu ay u soo xuleen kamid noqoshada golaha wakiilada cusub iyadoo isimada qaar ay shirar gaar gaar ah la leeyihiin gudiga xalinta khilaafaadka si loo xaliyo tabashooyinka ay qabaan beelaha qaar.Cabdiwali Gaas ayaa la filayaa in uu ku lahaan doono xildhibaano isaga u codayn doono.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!