Maanta oo la soo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta la filayaa in la soo gabagabeeyo doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, kuwaasi oo ka kooban 11-kursi, iyadoona maanta la qaban doono 5-ta kursi ee ka harsan doorashada gobolada waqooyi ee Soomaaliland

Shanta kursi ee Maanta doorashadooda ka dhaceyso teendhada Afisiyooni ayaa waxaa ku tartamaya xubno Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay iyo kuwo Cusub oo hadda doonaya inay kuraastaas helaan, waxaana Magacyadooda kala yihiin.

Kursiga Koowaad

Siciid Cabdi Xasan
2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed

Kursiga labaad

1. Muno Cumar Xasan
2. Nacima Xasan Xaaji.maxamuud
3. Sucaad Xasan Maxamed

Kursiga Saddexaad

1. Cabdirisaaq Axmed Cali
2. Xasan Cabdi Gaas

3. Axmed Maxamed Siciid

Kursiga Afaraad

1.Axmed Ibraahin Maxamed (Qorane)
2. Baashe Maxamed Ismaacil

Kursiga Shanaad

1. Deeqa Xasan Xuseen
2. Hodan Abokor Xasan

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!