Maanta Maxaa laga Filan Karaa Kulan Muudeey Iclaamiyay iyo Jiliinka Kooxda Qiyaano Qaran!!

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka soomaaliya C/wali shiikh Ibraahim Muudeey oo la Rumeeysan yahay in uu ka shidaal qaato Kooxda Qiyaano qaran ee ku dhex meereeysta  Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Xassan  Cali Kheeyre.

MaantaKulan ayaa lagu madsan yahay kaasi oo ay yeelanayaan Koox Xildhibaano ah oo la filaayo in ay Kiciyaan Fowdo horleh maadaama ay dantoodu tahay kaliya in qas iyo qalalaase la galiyo dalkaan.

Hadaba Kullankaasi Sidee-buu Noqon doonaa??

Sedax Qodob ayaa la Rumeeysan yahay in kulankaasi mid uun noqon doono,hadii uusan baaqan oo ay Kooxda Qiyaano qaran Cabsan

In Xildhibaanadu qaataan Go’aan masiiri ah islamarkaana ay diidaan Mooshin Beenaadka lagasoo abaabulay Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari

In Xildhibaanadu islaayaan oo halkaasi buuq iyo sawaxan uu ka dhasho islamarkaana lagu kala tago,

In Lasii xajiyo Fowdada iyo Qalalaasaha dalka iyagoo la sheegid doono in jawaari xilka laga qaaday

Xildibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya,Waxaa saaran masuuliyadda aad u weeyn oo ah in ay ilaaliyaan sharcigga iyo nidaamka dalka,waxaa nasiib xumo in ay iyagii horseed ka yihiin  dhibta dalka ka jirta