Reading Time: < 1 minute

Waxaa maandooriye lagu qabtay deganaka Puntland. Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud,  oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay khamrigaas, ayaa sheegay in uu ka koobanyahay in ka badan 10,000 oo dhalo, islamarkaana la doonayay in lagu fasahaadiyo shacabka Boosaaso.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Booliiska iyo PMPF oo iskaashanaya, ay  khamrigaas ka soo qabteen xaafadaha kala duwan ee Boosaaso, kadib hawlgallo ay ka sameeyeen gudaha magaalada. Khamrigaan ayaa lagu sheegay in uu  yahay kii ugu badnaa ee abid la soo geliyo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, balse ay ciidamadu ka hor tageen in bulshada lagu fasahaadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here