Maamuus xumada lagu soo dhaweeyay MW Ismaaciil Cumar Geelle oo qabsatay baraha bulshada (Daawo)

Waxaa maanta ka dhacay fadeexo dhanka maamuuska ah soo dhaweyntii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Hab maamuuska oo aad u qaldanaa ayaa waxaad ka dhex maqleysaa qaar ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada oo caaytamaya kuna hadlaya hadalo aanan munaasib ku ahayn soo dhaweyn Madaxweyne.

Sida aad ku daawaneysaan muuqaalka ku xiran maqaalkan waxaa si anshaxa ka baxsan u caaytamaya qaar ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada, waxaana wafdigii MW Ismaaciil Cumar Geelle aay aad ula yaabeen anshax xumada iyo dhaqanka aan diblomaasiyadda ahayn ee aay maanta kala kulmeen Muqdisho.

Advertisements
Xayeeysiin