Maamulka Soomaaliland oo u hanjabay Dalalka Turkiga iyo Eritaria.

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu si kulul u eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed muuse Diiriye ayaa waxaa uu sheegay in dalal badan xiligan ay hub siinayaan soomaaliya, islamarkaana arintaasi ay dhibaato badan ay keeni karto.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliland  ayaa shaaca ka qaaday in wadamada xiligan hubka siiya Soomaaliya ay khatar amni ay ka abuurayaan siyaasada Geeska afrika, waxaa uuna xusay dalalka hubka ka taageera soomaaliya in ay ka mid yihiin  Turkiga iyo Eritaria.

Waxa uu wasiirku sida oo kale beesha caalamka ka codsaday in aanay daynta laga dhaafin dowladda Soomaaliya, si aanay u helin dhaqaale ay ku burburiso maamul gobaleedyada Somaliya, ayna ku qasto siyaasada Geeska Afrika

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!